JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED HABRAACA DIB U EEGISTA DASTUUR
JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED HABRAACA DIB U EEGISTA DASTUUR SAMEYNTA SOOMAALIYA • Mogadishu, Soomaaliya
Dulmar • Soo koobid dastuurrada • In la tilmaamo Guddiga Ansxinta Dastuurka • jiraa ka-qaybgal dadweyne mise maya? • Isafgaraad Bulsho ka baxay Dagaal sokeeye • Habraca dastuur sameynta ma loo baahan yahay? • Hawlalaha horyaal dastuur-sameynta 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Soo Koobib Dastuurrada • Dastuurrada wey ka duwan yihiin shuruucada caadiga ah, sababtoo ah waa sharciyo ugu sarreeyo; • Sidoo kale maadaama dastuurka uu ka sareeyo sharciyada kale, dastuurka ayaa siinaya awood iyo ansaxsanaan ilaha sharciyada ka soo unkumaan. • Dastuur waxaa loogu talo galay inuu ka tarjumo “rabitaanka” dadweynaha • Dastuurrada wey adagtahay in wax laga beddelo, inta badan waxaa shardi looga dhigaa aqlabiyad sare, sidaa darteedna la isla helo isafgarad dhexmara aqlabiyada iyo tirada yar ee dananaha siyaasadda hoggaamisa • Gaar ahaan, dastuurrada xilliyadan dambe waxay ku soo baxaan qaab qoran 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Dastuur-sameyn Ballaaran • Waxaa jiray moojad dastuur sameyn ah ee taarikhda casriga ah; • Ugu dambeyntii intii u dhexeysay 1990 ilaa 2000, dastuur-sameyntu si xawli ah bey u korortay kaddib markuu dhammaaday dagaalkii qaboobaa iyo tallaabooyinkii loo qaaday dhinaca dimuqraadiyeenta 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qeexidda Awoodda Deegaanka Doorasho • Diyaarinta dastuur cusub waxay abuurtaa dareen rayn ah marka loo eego kii hore, inta badanna waxaa dhacda in bareer ah loo dhinac maro nidaamka wax ka beddelka dastuurka la rabo in lagu rabo in la bedelo. • Arrintaas waxay durbadiiba abuureysaa su’aasha ah: Xaggee bey ka timaadda awoodda dastuur lagu sameeynaayo? • Aragtida sharciga waxay u saarineysaa in awoodda dastuur-sameynta ay ka soo jeeddo “awoodda” degaanka uu leeyahay (Dhanka kalena, Fransiiska looga yaqaan “awoodda dadweynaha”) • Awoodda deegaan-dodorasho waa “awoodda lagu sameeynaayo nidaam dastuur ummadeed”{ Roznai 2014]; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
• Haddaba, dastuur kasta, marka lagu daro kan baddalaya kii hore, waxay dhammaantood ka timaadaa rabitaanka shacabka; • Hase ahaatee, inkastoo ay jirto awoodda dastuur-sameynta haddana dadweynaha oo idil si toos ah ugama qayb galo bilowgeeda ilaa dhammaadkeeda; • Waxay u adeegsadaan awooddooda deegaan-doorashada iyagoo u maraya doorashada wakiilka iyaga matalaaya; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Awoodda Deegaan-doorasho: Shirweynaha Philadelphia • Go’aankii la isugu yeerayay oo ay ku kulmeen Golaha Ansixinta waxaa gaaray “Shirweynihii Qaaradda” sanadkii 1787; • Shirweynihii Qaaradda wuxuu u xilsaaray ergooyinkii ka soo qaybgalay iney wax ka beddelaan Qodobbada Midowga Federaaliga, laakiinse aysan sameyn dastuur cusub; • Hase ahaatee, ugu dambeyntii ergooyinkii waxay soo jeediyeen dastuur cusub; • Iyagoo adeegsanaaya rabitaanka ummadda – saameynna ama xakamaeyn ku yeelanaynin nidaamka sharciga ah– awoodda ergooyinka marka laga soo billaabo Qodobbadii, waxaa qiil siinayay baahidii loo qabay in la sameeyo nidaam cusub oo dastuuri ah; • Sida gogoldhigga dastuurka uu cadeynayayo, “Dadweynaha Mareykanka” ayaa amray oo sameeyay dastuurka; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Dastuur sameeynta iyo Faragelinta Dibadda • Faragelinta caalamiga ah ee dib u dhiska dalaka ka soo baxaaya dagaalada waxaa la soo gudboonaato faragelin dibadda ah marka ay doomayaan in ay dib u eegis ku sameeynayaa dastuuradooda: • Faragelinta caalamiga ah waxay noqon karataa talo-siin farsamo sharciyeed, dhaqaale lagu dhammeystirayo maamulka geedi-socodka dastuur-sameynta; • Tusaalooyin • Dalka Ciraaq ciidan shisheeye ayaa haystay markii is-beddelkii dastuurka la billaabay; • Dastuurkii East Timor waxaa la ansixiyay markii ay maamulaayeen Maamul caalami ah; • Dastuurka Jarmalka waxaa la qoray iyo sameeyn weyn ay ku lahaayeen Isbahaysiga Galbeedka; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Dalka Iraq Dastuur-sameynta iyo faragelinta • Intii u dhexeysay 2002 – 2003 Ciraaq waxay ku jirtay gacanta militeri ee Mareykanka iyo Ingiriiska; • Maamulka Is-baheysiga Ku-meel-gaarka ah ayaa mas’uul ka ahaa maamulkooda; • Maamulkaas kor ku xusan ayaa dhisay Golaha Maamulka Ciraaq (Hay’ad la magacaabay) si uu u soo diyaariyo Sharciga Maamulka Xilliga Kala-guurka (SMXG) ee Dawladda Ciraaq; • SMXG waxaa ka mid ah qaab sharciyeed ku saabsan habraaca dastuur-sameynta, sida: • 1. Baarlamaan la soo doortay oo diyaariya dastuur rasmi ah; • 2. In dastuurka lagu ansaxiyo afi dadweyne 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Dastuur-sameynta iyo faragelinta Dalka Iraq • Qaybta muhimka ah ee nuxurka qoraalka dastuurka waxay billaabatay kaddib markii joogistii ciidankii qabsaday ay si rasmi ah u dhammaatay (Jan 2005), waxaana xigtay doorashooyinkii Baarlamaanka kmg ah; • Maadaama Sunniyiintu ay intooda badneyd ay qaadaceen doorahsooyinkii Golaha Shacabka, waxaa tiro dheeri ah oo wakiilp matasha shacabka loogu baahday geedi-socodka dastuur-sameynta. • Marnna ma dhamaanin cabashooyin laga cabanaayo faragelin dibadeed intii ay socdeen hawlaha dastuur-sameynta; • Saameynta ay SMXG (oo ay soo diyaariyeen ciidamadii gumeysiga ah) ku laheyd dastuur rasmi ah waxay ahayd xiisad soo noqnoqoneysa; • Walaaca la xiriiray faragelinta dibadeed ee saabsanaa dhanka nuxurka, habraaca iyo waqtiga ayaa markasta jiray; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Ka qaygalka Dadweynaha iyo in kale ? • Dib-u-dhiska dagaalka kaddib waxaa loo baahan yahay iney awoodda laga qaybgeliyo kooxihii horay looga saaray ee ka tirsan dadweynaha: sida, haweenka, dadka lagatiro badan yahay, kuwa danyarta ah… • Heshiiska Caalamiga ee bulshada Rayadka ah iyo Xuquuqada Siyaasadeed (ICCPR) ee 1976, wuxuu ku cadeynayaa xaqa qaybgalka hawlaha dawladda (Qod. 25) • Sidoo kale Axdiga Afrikanka ah ee Xuquuqda Aaadnahah iyo midda Shacabkaba ee 1981 (Qod. 13(1)) ; • Qaanuunkan dawliga ahi ee la xiriira xukunka dimuqraadiga ah ma loogu dari karaa dastuur-sameynta? • Waa maxay dimuqraadiyad? – marka laga fiirsho dhinaca habraaca – waa doorashooyin xor ah oo cadaalad ah, oo ay ka qaybgalaan axsaab siyaasadeed, xeerarka loollanka iyo daaweynta khilaafyada… • Sidoo kale ma shardi guud baa ka-qaybgalka dadweynaha arrimaha maamulka 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Ka qaygalka Dadweynaha iyo in kale? • Maxaa loola jeedaa ”ka-qaybgal” arrimaha dawladda (tusaale, Qod. 25(1) ICCPR? • In la doorto wakiilada matalaaya; • Aftiyo loo qaado qoraallada dastuurka • Wacyigalin iyo la-tashi dadweynaha • Sidee buu ka-qaybgalku uga abuuraa is-beddel bulshadahexdeeda? 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Dhisidda Isafgarad bulshada Dhexdeeda Dagaalka kadib • Miyeey shaqeynaysaa isafgarad laga dhex abuuro kooxa siyaasadeed dhexdooda? • Fikaradda Khilaaf/Isafgarad bulsho – dawladda ayaa udub dhexaad u ah diyaarinta iyo maareynta tallaabooyinka wadahadal iyo isfagarad abuurid – waxaana soo horrmarinaysaa qaab-dhismeedka awoodeed ee bulshadaas ee ku aadan arrintan; • Aragtida dagaalka waxaa shardi u ah in xoog wax lagu maquuniyo – “guuleystaha wuxuu qaadanaya dhammaan awoodda; • Bulshada rayidka ah uma halgameyso si ay u hanato awood siyaasadeed – xubnaheeda waxay ku shaqeyn wax is-fahamsiin, wada shaqeyn iyo isafgarad – sidaa awgeed in la abuuro isafgarad halkii abuurid intii xaalad wax la’aan ah dhici laheed; • Ma tahay in diiradda la saaro bulshada rayidka ah? 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Geeddi Socodka ma loo baahan yahay? • Waa maxay xiriirka uu geeddi socodkan la leeyahay natiijada Dastuurka? • Qoreyaasha dastuurku ma oga meesha ay galayaan maamulka dastuurka ka dib (jahlinimo daahsoon), sidaas darteed ku dadaal danta guud beddelka halka aad ka fikiraysid tan gaarka ah. • Hay’ado dan gaar ah, , • Saamaynta ay shisheeyuhu ku leeyihiin geeddi socodkan. • Ka qaybgal dadweynaha iyo uguurgalid. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Samaynta Dastuurka iyo Wax ka bedelid Dastuur waxa loo ansixinayaa iyadoo ujeeddadu tahay in uu noqdo mid waaro , laakiinse marka laga reebo arrimo muuqdo (Sida Dastuurka Maraykanka ) dastuurrada badankoodu waxay jiri /noolaan karaan 17 sano; Dastuur waa la beddeli karaa gebi ahaantiiba, wax laga bedeli karaa, laakiinse mararka qaarkood waxaa dhici karta in la kala saari waayo labadaasi arrimood; Wax-ka-bedelka waxay la raacdaa habraac loo baahan yahay in wax lagu bedelo nuxur dastuurka hadda jira [nidaam sharciyad soconaysa]; Beddelaad waa ka tegid gebi ahaaba dastuurka horay u jira [Mid cusub].
SOC Ka tegid Dastuurki hore arrimahaa keeni karo waxaa ka mid ah: • • kacdoon; Madaxbannaani gumeysi ka dib; Qaranla Dhisaayo /Qaran abuuris [Iraq, East Timor, South Sudan] Inqilaab Xukuumadeed ama in lagaga adkaado dagaal; Si socosho v Mid cusub Koonfur Afrika waxay isku dayday inay isku miisaanto baahi loo qabo in ays sii socodaan sharcigii jiray inta uu jiro xilliga ku meel gaarka ah intii gebi ahaan sharci darro laga dhigi lahaa dastuurka, baarlamaan iyo xukuumadda iyada oo la adeegsanaya dastuut ku meel gaar ah; Dastuurkka kmg ah wuxuu yaahay kabad u dhexeysa mid hore iyo mid cusub;
Howlaha Geeddi Socodka Dastuur samaynta 1. Dhaqaale; 2. Habraac isku-xiga; 3. Waqti xadidan; 4. In lagu heshiiyo qaabka Dib u habeen loogu sameeynaayo dastuurka ; 5. Qaabka Heshiiska ; 6. Ujeedada Qaabeynta; mid meel-ku-gaar ah, mid kooban, ama dhamaystiran? 7. Talo-wadaagyaasha (actors) iyo ka qaybgalka dadweynaha; 8. Habka Farsamada ee lagu xalinaayo Ismariwaaga; 9. Qoris Dastuur qabyo ah ; 10. Ka doodis qabyo qoraalka Dastuurka; 11. Habaynta dastuurka; 12. Hirgelinta dastuurka ; Laga soo xigtay : Dastuur sameynta iyo Dib u habaynta: Xulashooyina Geedi-socodka (Interpeace): 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaababka loo marayo Habraaca Dastuur Samaynta; • Habraac Baarlamaani ah, Golaha Ansixinta , Shirweyne; • • 09 September 2021 Magacaabid Guddi madaxbannaan; Miiska Doodda; Ka qaybgalka dadweynaha; Afti qaadis (Ansixin ); Habayn ku-meel gaar ah ; Dibu eegis garsoor; Laga soo xigtay : Dhisid dawladeed Xilliga ku-meelgaarka ah (USIP) Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaababka loo marayo Habraaca Dastuur Samaynta Habraac Baarlamaani ah/ CA/ CC 09 September 2021 Afghanistan 2004 Loya Jirga CC Albania 1998 Parl comm. Bi. H 1995 Parl. Brazil 1988 Parl. Cambodia 1993 CA conv. Parl. Columbia 1991 CA East Timor 1999 CA conv. Parl. Eritrea 1997 Parl. Fiji 1997 Parl. Guddigo la magacaabay Miiswareeg ah Ka qaybgalka Dadweynaha Afti Qaab Ku-meel gaar ah Dib u –eegis Garsoor Q Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaababka loo marayo Habraaca Dastuur Samaynta Habraac Baarlamaani ah/ CA/ CC 09 September 2021 Hungary 1989 Parl. Iraq 2005 Parl comm. Namibia 1990 CA conv. Parl. Nicaragua 1987 Parl comm. Poland 1997 Parl. South Africa 1996 Parl as CA Spain 1978 Parl. Uganda 1995 CA Zimbabwe 1999 Parl. Guddigo la magacaabay Miiswareeg ah Ka qaybgalka Dadweynaha Afti Name of presenter (Insert > Header and Footer) Qaab Ku-meel gaar ah Dib u –eegis Garsoor
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Arrimaha samaynta ku leh qaabka la qaadanayo • Ma jiro hal qaab oo wax kasta ku habboon – dal kasta iyo taariikhdiisa ayuu u gaar yahy; • Qiimeyn lagu sameeyay dalka taariikhdiisa (dagaal ka dib, kala guur dhaqaale), arrimo dhaqan (dalbasho ka qaybgal toos ah, taariikh xukun aan la dooran, tixgelin garsoor, ), geeddi socod hadda jira (dagaalo, cadaadis siyaasadeed ), dano shisheeye (faragelin deeq bixiyeyaasha iyo danaha joogtada ah ), iyo kuwo kale oo ka mid ah ; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Habraac Baarlamaani ah, mid Golaha Ansixinta, shirweyne • Golaha Ansixinta wuxuu si toos ah xooga saarayaa dastuutka mana ku hawlana hawl-maalmeedka joogtada ah ee Baarlamaanka; • Golahan ansixinta waxa loo soo doortay oo keliya ah geedi-socodka dastuurka si uu helo sharciyad guud– baarlamaanka waxaa loo doortaa nidaamka siyaasadeed ee jira maalintaas; Tusaale. cashuur, caafimaad etc. golaha ansixinta wuxuu ku qayb qaataa hawlaha mudada dheer soconaaya ee (dastuurka ); • Dano siyaaseed ayaa fududeeya in xubnaha golaha ansixinta aysaan door ka cayaarin siyaasadda mustaqblka; • Koox ballaran oo go’aan gaarta way adagtahay in la maareeyo, balse way sahlan tahay in la isku dheelitiro danaha iska soo horjeeda ee wakiilada tirada badan. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Magacaabid Guddi • Ka tegid codeyn shacbiga macnaheedu waxay tahay in la sameeyo kooxo danleey ah oo ballaarn oo wakiil ah; • Waxay ku xirtan tahay gebi ahaan habraac xulasho – yaa ka dhigaaya in xubnaha guddiga ay noqddan kuwa loo wada dhanyahay? ; • Waxaa loo baahan yahay in siyaasadda laga saaro habraaca xulahshada; • Waxaa markasto loo baahan yahay in qabyo qoraalka laga ansixiyo hab dimuqaraati oo sharciyeeysan sida golaha ansixinta oo la soo doortay. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Miis-wareegsan • Waxaa wligeed lagu isticmaalay dalalka Bariga Yurup; • Waxaa la istcimaalay marka labada dhinac ay leeyhiin sharciyad dastuur ah oo kaga hadli karaan miiska wada hadalka – sida xisbiga talada ka degaaya oo lagelaayo macaamil xisbiga talada gabanaaya si loo helo xil wareejin sahlan siyaasiinta dhexdooda; • U isticmaal meelaha aad isleedahay in ay hurinayso colaad hadii loo soo bandhigo dadweynah. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Ka qaybgalka Dadweynaha • La soco: wacyigelinta bulshada iyo la tashiga dadweynaha waa laba arrimood oo kala duwan, • Waxay xaqiijinaysaa in dadweynaha la wacyigeliyay iyo in ay iyagu leeyihiin qoraalka dambeyska ah ee dastuurka taasoo keenaysa sugnaan iyo joogteen; • maamul ahaan way adag tahay in la sameeyo arimahaas: warbaahinta, masraxa, daabacaadda, la xiriirka dadweynaha , uruurinta natiijada , dejinta xeer hagaaya wixii loo gudbin karo dadweynaha; • La wadatashiga kama turjumaayo in dastuur dhab ahaan wax laga beddelay = Hadafku muxuu yahay ? In wax lagu biixriyo ? Ama in ay jirto sharciyad dadweyne? 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Afti Dadweyne • Goormaa la qaban karaa afti– inta lagu jiro qoraalka? Ama dhamaadka qoraalka ? • Inuu sharciyeeyo geedi-socodka ; • Qorayaasha dastuurku waxay si fiican u og yihiin in wax-soo-saarkooda loo gudbin doono codbixiyeyaasha dadweynaha taasina ay u horseedeyso in ay soo saaraan dastuur wanaagsan. • Habka codbixinta tooska ah waa in aysan beddelin ka qaybgalka dadweynaha; • Siyaasiyiintu waxay ka faaiideysan karaan codbixiyeyaasha si ay u ansixiyaan dastuurka, sida falanqayn siyaasadeed ee markaas socota ; • Codeeyeyaashu waxay codkooda ku bixin karaan Maya habraaca oo xumaa awgiis xitaa haddi uu dastuurka uu fiican yahay. • Codbixiyaasha oo aan loo sheegin. Ccodeeyaha oo aan haysanin warar fiican Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Habayn ku meel gaar ah • Heshiis dhex mara hoggaaminta xisbiyada wuxuu saldhig u noqon karaa aasaaska dastuur kama dambeys ah; • Waxaa Loo adeegsaday bilowga arinta – laakiinse wuxuu u baahanyahay in la dhiso sharciyad inta lagu jiro hab-raaca. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Qaabka Geeddi Socodka Dastuur Sameeynta Dib u-eegista Garsoorka • Hay’ad aan la dooran oo cod ku leh dastuurka ; • Ku tiirsan tahay taariikhda garsoorka oo xushmad ku dhex leh dadweynaha. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
• Dastuurka Samaynta iyo dib-u eegista Dastuurka ee Somalia 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer) 201 KM 2 Das G A tuu rka H 200 Fed 4 Axd era iga alk a e 200 Qar 0 Axd ank iga ae e. A rt 197 Han 9 Das tiw tuek ada a aga 196 Das 1 Aft tuu ii rka 196 Isu 0 Sha tag ga rciga Taariikhda Dastuurka Soo-yaal
Dastuurkii ee Madaxbannaanida 1960 • Dastuurkii ugu horreeyay ee Somalia waxaa la bilaabay isaga oo qayb ka ahaa Ismaamulkii Somalia ee xukunkii wasaayada oo markaas hoos imanayay Qaramada Midoobay; • Guddi farsamo oo ka koobnaa sagaal xubnood oo Talyaani ahaa iyo mid khabiir ku ahaa xubnaha dastuurka ayaa diyaariyay ; • 12 xubnood oo kale (9 ka mid ah ay yihiin Somali) ayaa lagu daray intii lagu guda jiray howsha guddiga farsamo ; • Qabyo Qoraal ayaa loo soo gudbiyay guddigii siyaasadda bishii Nofember 1958 ; • Sharciga Tirsisigiisu yahay 6 ee soo baxay bishii Jannaayo 8 da, 1960 Golaha. Name. Shacbigu wuxuu ku shiray isagoo leh 09 September 2021 of presenter (Insert > Header and Footer) awoodda Golaha Asixinta (constituent assembly);
Dastuurkii Madaxbannaanida 1960 Cinwaan Hoose • Golaha Sharci-dejintu wuxuu magacaabay gudddi Siyaasadeed ee qora sanadkii 1960; • In ka badan 31 maalmood ayuu Golaha shacbigu/Golaha Ansixinta ka doodayaya qoraalka qabyada ahaa , ugu dambayntiina wuxuu nuqulkii kama dambeyska ahaa la ansixiyay bishi Juun 21, 1960; • Dastuurku wuxuu qorayay in hal sano gudaheed marka uu dhaqan galo afti dadweyne la abaabulo laguna ansixiyo ; • Dastuurkii waxaa lagu oggolaaday afti dadweyne Juun 20, 1961; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Datuurkii 1969 • Inqilaab – Kacaan • Xukun Deg ah • Warqadda kowaad–Golaha Sare ee Kacaanka-Axdiga kowaad/ Warqadda Kowaad – waxay ka dhigneed sidii Dastuur oo kale marka laga eego aragtida Ciidankii qabsaday dalka- siyaasadda arrimaha Dibadda, nabadgelyada qaranka iyo qaab- dhismeedka dawladda. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
1979 • Mar haddi ciidankii uu dalka oo idil la wareega xukun kiisa waxaa la sameeyay • Dastuur Hantiwadaag ah • Waxaa hogaaminaysay Ruushka – arday ka soo nqotay dalalka Rushka iyo Jarmalka -ayaa sameeyay xafiiskii Xiriirka Dadweynaha – waxaa la dhisay xaruumo lagu fidinaayo mabaadiida hantiwadaagga; • Waxaa khasab ahaa in muwaadin kasta uu codeeyo – hal musharaxna u codeeyo-haa ama maya • Waxaa dastuurka lagu ansixiyay boqolkiiba 100% afti dadweyne 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
1993 -2000 • Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaranka • “Xilligii Dagaal oogayaasha” • 1993 Ethiopia • 1996 – Egypt 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
2000 Shirkii Arta • Waxaa lagu doortay Madaxweyne • Waxaa la ansixiyay Axdiga Qaranka ee Kmg ah • Waxaa la bilaabay qaabka awood qaybsiga ee 4. 5 • Waxaa la dhisay Baarlamaan ka kooban 275 xubnood • Leh Madaxeyne iyo R/Wasaare • In la diyaariyo dastuur ku dhisan nidaamka federaalka • In la sameeyo dib u heshiisiin 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
2003 -2004 Geedi-socdkii Mbagathti • Dabayaaqadii 2002 ayaa shir dib u heshiisiin ah ka bilaaday dalka Kenya oo ay ay taagyeereysay IGAD • Dagaal oogayaashii awood kuma la hayn shirkii Carta laakiinse halkan Mbagathi xoog bay ku lahaayeen i 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Axdigii ku Meel Gaarka Federaalka 2004 • Intii u dhexeysay 2002 iyo 2004 waxaa lagu qabtay Kenya dhowr shirar dibu heshiineed oo ay wadday IGAD; • Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawlad Kmg ah; • Inkasta oo lagu kala geddisnaa arrimo door ahaa iyo sida uu noqon lahaa ku dhaqanka axdiga federaalka , haddana “sacab ayaa lagu oggolaaday”; • Barlamaanka lagu abuuray axdigan iyo guddigii loo xilsaaray inay soo qoraan Dastuur midkoodna si toos ah shacabku u ma soo dooranin. • Axdigu wuxuu xusayaa in la samayn doono Guddi Dastuur oo Federaal ah kasoo magacaabo Golaha Wasiirrada oona oggolaado Golaha Shacabiga ku meel gaarka ah. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Axdiga ku-meel gaar ah ee federaalka 2004 • Qodobada Axdigu kmg ah wuxuu qorayaa la sameeyo dastur saldhigiisu yahay federaal; • Sidoo kale wuxuu qoraayaay in qoraalka dastuurka federaalku uu ku dhamaystirmo laba sano iyo nus gudahood laguna ansixiyo afti [Qod 71(9]; • Dhab ahaan, qoraalka dastuurka la soo jeediyay wuxuu qaatay muddo ka badan 8 sano , mana loo dhamaystirin sida la filaayay; • Qoraalka dastuurka waxaa in mudda ah horistaagay amaan darro iyo in muddo dheerna Guddigii loo xilsaaray inuu qoro ay ku sugnaayeen dalka dibeddiisa; • Dibu dhaca waxaa qayb weyn ka qaatay xasilooni darrada. ; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Axdiga ku-meel gaarka Federaalka 2004 • Cadaadis xagga waqtiga si loo dhamaystiro kala guurka siyaasadeed , loona doorto dowlad rasmi ah, waxaa caddaatay in aan dastuurka la dhamaystiri karin si loogu gudbo wada-tashi dadweyne iyo afti ; • Si geeddi socodka loogu helo sharciyad, Gole Ansixineed oo ka kooban 825 xubnood ayaa waxaa soo xulay in ka yar 200 oday dhaqameedyo taas oo ku salaysan habka 4, 5; • Golaha Ansixinta waxay haysteen 9 maalmood si ay uga falanqoodaaan , ka dibna ay u ansixiyaan dastuur ku-meel gaar ah; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Axdiga ku-meel gaarka Federaalka 2004 • Wuxuu farayay in la dhiso Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Federaalka (IFCC) oona ansixiyo Baarlamaanka; • Guddiga Madaxabanaan wuxuu qoray “dastuur Federaal ah” wuxuu sameeyay la tashi dadweyne wuxuuna horgeeyay baarlamaanka 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Khariidada 2011 • Wuxuu dejiyay qorshihii ugu dambeeyay ee ansixinta Dastuurka kmg ah; • Waxay go’aansadeen in la sameeyo Guddi Khubaro ah oo qaabeeya soo saaridda nuqulka ugu dambeeya ee dastuurka • Waxay isku raaceen in dastuurka ay ansixiyaan Golaha Anisixinta halka uu ansixin lahaa Baarlamaanka caadig ah. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Dastuur ku Meel Gaar ah 2012 Hab-raaca Dibu eegista Dastuurka • Dastuurka ku meel gaarka ahaa looma arkin inuu noqdo dastuur dhamaystiran , wuxuuna maray habraacyo adag ee dib loo eegis iyo ansixinno; Guddiyada Di u eegista • Talo-wadagyaasha ugu muhimsan ee dibu qaabeynta dastuurka : 09 September 2021 § § § Guddiga kormeerka iyo hirgelinta Dibu eegista Dastuurka kmg ah (OC); Guddiga Madaxabannaan ee dibu eegista dastuurka iyo hirgelinta Guddiga (ICRIC) Barlamaanka Federaalka ; Dawlad Goboleedyada Shacabka Jamhuriyadda Federaalka Somalia Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Guddiga Kormeerka • Guddiga Kormeerka waa guddi baarlamaani ah oo ka kooban 5 xubnood oo ka socota golaha shacabka , 5 ka socota aqalka Sare iyo hal xubin oo ay soo magacowdaan mid kasta oo ka tirsan dowladaha xubnaha ka ah federaalka [Qod. 133 (2)]; • Haddii uu maqan yahay Aqalka Sare , Golaha Shacbiga noqonaaya federaalka ah [Qod. 138 (2)]; barlamaanka • Golaha Shacbigu wuxuu magacaabay 10 xubnoood oo ka tirsan si ay ugu taagnaadaan Guddiga Kormeerka ; • Wafdiyo ka socda dowladaha xubnaha ka ah federaalka lagu ma darin, taa beddelkeeda xubno ka socda Golaha Shacbiga ayaa lagu soo xulay qaab matalaad gobol. • ; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Guddiga Madaxabannaan ee dibu eegitsa Dastuurka iyo Hirgelinta Guddiga • Guddiga Madaxabannaan ee Dibu eegista Dastuurka iyo Guddiga Hirgelinta (CRIC) waa Guddi Madaxbannaan oo ka kooban 5 khubaraa ku ah qoryaal sharci ah soona magacowdo wasaaradda ay khuseyso kadibna uu ansixiyo baarlamaanka ; • Baarlamaanka federaalka ah muddada xilliga kowaad wuxuu ansixinaayaa wax ka beddelid lagu samayay dastuurka kmg ah codeyn aqlabiyad 2/3 ee labada aqal [Qod. 136 (1)]; • Dastuurka kmg ah oo wax laga bedelay waxaa loo gudbin doonaa afti dadweyne inta uusan dhamaan xilli kowaadd ee baarlmaanku [Qod. 136 (2)]; • Sannadkii 2016 Golaha Shacabku wuxuu ansixiyay Qaraar wax ka bedelka dastuurka dib u looga dhigay aftidii in la qaado xilliga labaad; 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Howlaha Guddiga Kormeerka Cinwaan Hoose • La tashiga dadweynaha iyo wacyi gelin la sameeyo ; • U dirto Guddiga madaxabanna an ee dibu eegista dastuurka qoraal mashruuc • Afti 09 September 2021 Inuu kormeero toos iyo oggolaado howlaha Guddiga Madaxabann aan dibu eegista Dastuurka La horkeeno Soojeedin wax iyo hirgelinta ka bedelka Guddiga Dastuurka ama hindi sharciyeed oo meel maryo Golaha Shacabka Oggolaansha ha Xubnaha ka tirsan federaalka, Wax ka beddelista dastuurka ku meel gaarka ah ama sharci qoris ama warbixin ku xiran oo ay heshay ICRIC Name of presenter (Insert > Header and Footer) • Ay dib u qorto by ICRIC haddii loo baahdo wada tashi ka dib ,
Intaas maxaa ku xiga ? • Iyada oo loo arkayay in habraaca dibu eegista dastuurka oo dhan la dhameystiro xilli koowaad ee barlamaanka, kulamada iyo qaababka is-dabajoogga ah ee kor ku xusan waxay abuureen shaki. • Muxuu noqon doonaa habka Somaliya ku heli karo dastuur rasmi ah? • Waxaa jira dhowr arrimood oo ay tahay in wax laga qabto : Ø Hay’adihi dibu eegista ma aysan dhamaystirin diyaarinta qoraalka kama dambeyska ah inkasta oo uu dhamaaday xilligoodi [Qod. 133 & 134]; Ø Wada-tashiga dowladaha xubnaha federaalka ah lama shameynin sababta oo ah iyadoogoor dambe la soo dhameystiray geedi-socodka federaaalaynta ; Ø La tashado dadweynaha ee dastuurka ayaan weli la soo abaabulin ; Ø Ansixinta dadweynuhu ee dastuurka ayaan la sameynin sida uu qabo (Qod. 136(2). 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
Intaa Maxaa xiga? • Dastuurka kmg ah ma sii qorsheyn hab farsamo hadda xaaladahan oo kale timaado, laakiinse xulashooyin furan si horay loogu socdo ayaa waxaa ka mid ah : • 1. In ay iska jiraan ilaa xad qaababka hadda jira qaabaynta dastuurka la sameeyay xilliga kowaad, balse lagu daro Aqalka Sare isbedelka ay soojeediyaan Aqalka Sare; 2. La sameeyo Guddi Dibu eegta Dastuurka sida uu qabo Qodobka 137. Si kastaba ha ahaatee , qaabkaa farsamo waxaa la filayaa in uu dhaqalp ka dib marka ugu dambayn dastuurka lagu ansixya afti dadweyne. 3. Hab-raaca dibu eegista dastuurka waxaa loo leexin karaa si caadi ah oo ah ee habka wax ka beddelista dastuurka oo ku cad Qod. 132. 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
• Mahadsanidiin Dhageysigiina Wacan !! 09 September 2021 Name of presenter (Insert > Header and Footer)
- Slides: 98